Vote.gov Ayaa Ku Caawinaya:

Dhammaan gobolada marka laga reebo Waqooyiga Dakota waxay u baahan yihiin inaad isdiiwaangeliso ka hor inta aanad u codayn doorashada. Ka Dooro gobol kaaga ama Degaan kaaga liiska Daaqadda hoos-u-dhaca, si aad u hesho sharciyada adiga ku khuseeya

Muwaadiniinta Mareykanka ee ku nool meel ka baxsan Mareykanka, oo ay ku jiraan xubnaha adeegga Mareykanka iyo qoysaskooda, way awoodaan in ay isdiiwaangeliyaan si ay u codayaan una codsadaan warqadda codbixinta maqanaaha ayaga oo buuxinaya Codsiga Kaarka Boostada Federaalka (FPCA). Xubnaha qoyska milatariga Mareykanka, sida dadka kale, waa in ay buuxiyaan shuruudaha u-qalmitaanka isdiiwaangelinta iyo codsashada warqadda cod bixinta. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo Barnaamijka Caawinta Cod-bixiyaha Federaalka (Ingriis).

Ma jiro wakhti kama dambays ah oo dowladda dhexe u qabatay isdiiwaangelinta codbixiyayaasha. Cod-bixiyayaasha gobol kasta iyo degaan walba waa inay raacaan sharciyadooda isdiiwaangelinta cod-bixiyayaasha. Ka Dooro gobol kaaga ama Degaan kaaga liiska Daaqadda hoos-u-dhaca, si aad u hesho kama dambaysta isdiiwaangelinta codbixiyaha.

Gobol kasta marka laga reebo Waqooyiga Dakota wuxuu uga baahan yahay muwaadiniinta inay isdiiwaangeliyaan haddii ay rabaan inay codeeyaan. Gobolada qaar waxay u baahan yihiin codbixiyayaashu inay isdiiwaangaliyaan ilaa 30 maalmood ka hor doorashada, halka qaar kalena ay ogolaadaan isdiiwaangelinta ilaa iyo maalinta doorashada. Waa muhiim inaad taqaan sharciyada gobolkaaga.

Ka Dooro gobol kaaga ama Degaan kaaga liiska Daaqadda hoos-u-dhaca, si aad u hubiso isdiiwaangelintaada ka hor wakhtiga kama dambaysta ah ee gobolkaaga. Gobolada qaar, taasi waxay noqon kartaa ilaa 30 maalmood ka hor doorashada.

Xaaladda dhacsanaanta macnaheedu maaha inaad u baahan tahay inaad dib isu diiwaangeliso. Waxay la macno tahay in laga yaabo inaad qaado tillaabooyin dheeraad ah ka hor inta aanad codayn. Xafiiska sarkaalka doorashada ee gobolkaaga ama xafiiska deegaan doorashadaada ayaa kaa caawin kara inaad dib u howlgelisid isdiiwaangalintaadi, ama ay kaaga jawaabaan su'aalaha aad qabtid.

Iska hubi inaad ku diiwaan gashan tahay magaca, ciwaanka, iyo urur siyaasadeedkaaga saxada ah. Booqo bogga isdiiwaangelinta gobolkaaga si aad u hesho macluumaadka ku saabsan sida loo cusboonaysiiyo macluumaadkaaga isdiiwaangelinta codbixiyaha.

Ama meel fog u guur ama meel dhow, marba haddad beddesho cinwaankaaga waxa aad u baahantahay in aad cusboonaysiiso isdiwaangalinta codbixiyaha. Ka dooro gobolkaaga ama deegaan doorashadaada liiska Daaqadda hoos-u-dhaca, si aad u barato sida online-ka la isaga diiwaangeliyo ama boostada loogu diro. Haddii gobolkaagu leeyahay diwaan gelinta codbixiyayaasha ee onlaynka ah, taasi waxay noqon kartaa habka ugu dhakhsaha badan ee loo beddeli karo macluumaadkaaga. Soo gudbi isbeddelka macluumaadkaaga ka hor wakhtiga kama dambaysta ah ee isdiiwaangelinta gobolkaaga, taas oo noqon karta ilaa 30 maalmood ka hor maalinta doorashada. Gobolkaaga waxa kale oo laga yaabaa inuu ku weydiiyo leysin  cusub ama kaarka aqoonsiga. Eeg nooca aqoonsiga codbixiyaha ee gobolkaagu u baahan yahay.

U guurista isla gobolkaaga gudihiisa

Xitaa haddii aad u guurto isla gobolkaaga, waxaad u baahan tahay inaad ciwaankaaga cusub ku cusboonaysiiso isdiiwaangelintaada.

U guuritaanka gobol kale

Gobolada qaar ayaa kaaga baahan inaad ku noolaato gobolkaaga cusub ugu yaraan 30 maalmood ka hor inta aanad isku diwaangelin inaad codayso. Haddii aadan waqti u haysan inaad iska diiwaan geliso gobolkaaga cusub ka hor maalinta doorashada, gobolkaagi hore ayaa laga yaabaa inuu kuu ogolaado inaad ku codeyso boostada ama qof ahaan. Sannadaha doorashada madaxweynaha, gobolkaagi hore waa inuu kuu oggolaadaa inaad ku codeyso boostada ama qof ahaan. Taas ka dib, waxaad u baahan doontaa inaad iska diiwaan geliso gobolkaaga cusub.

U guuritaanka dibadda

Muwaadiniinta Maraykanka ee ku nool meel ka baxsan Maraykanka way isdiiwaangelin karaan si ay u codeeyaan oo ay codsadaan warqadda codbixinta maqnaanshaha iyagoo buuxinaya Codsiga Kaarka Boostada Federaalka (FPCA). Ka fiirso Barnaamijka Caawinta Codbixinta ee Federaalka (FVAP) si aad u hesho agab dheeraad ah oo ku saabsan codbixinta militariga iyo dibad joogga.

Gobol kastaa wuxuu leeyahay hannaan gooni ah oo lagu xusho ama lagu beddelo xisbigaaga. Iyadoo ku xiran gobolkaaga, waxa laga yaabaa in lagu weydiiyo xisbiga aad ka tirsantahay marka aad isu diiwaangelineyso inaad codayso. Waxaa laga yaabaa in gobolkaagu aanu ku lahayn xisbiyo siyaasadeed codbixiyayaasha. La xiriir xafiiska doorashada ee gobolka ama deegaankaaga si aad u ogaato nidaamku waxa uu yahay iyo haddii uu jiro wakhti kama dambays ah meesha aad ku nooshahay. Xulashada xisbiga lagama heli karo gobolada oo dhan.

Xisbi kasta oo aad doorato, habka codbixintu waa isku mid marka doorasho guud dhacdo, taas oo ah marka musharraxiinta loo doorto xafiisyada. Ku biirista xisbigaagu waxay saamaysaa cidda aad u codayn karto doorashooyinka aasaasiga ah iyo guddiyada.

Markaad isdiiwaangeliso si aad u codayso, waxa laguu soo diri doonaa kaarka diwaan galinta codbixiyaha. Kaarkani waxa uu xaqiijinayaa in aad diiwaan gashan tahay oo aad diyaar u tahay in aad cod bixiso. Kaarkaaga diwaan galinta codbixiyaha sida caadiga ah waxa ku jira magacaaga, cinwaanka gurigaaga, iyo ciwaanka goobta cod bixinta ee aad ka codayn doonto. Waxa kale oo aad ka fiiri kartaa isdiiwaangelinta codbixiyayaasha adiga oo isticmaalaya aaladda raadinta isdiiwaangelinta codbixiyaha ee gobolkaaga.

Haddii magacaaga ama ciwaankaagu isbedelo, waxaad u baahan tahay inaad cusboonaysiiso isdiiwaangelintaada codbixiyaha. Marka aad cusboonaysiiso macluumaadkaaga isdiiwaangelinta codbixiyaha, waxa aad heli kartaa kaarka isdiiwaangelinta codbixiyaha cusub, taas oo ku xiran gobolkaaga. Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, xafiiska doorashada deegaankaaga ayaa ah ilaha ugu wanaagsan ee lagaa caawin karo.

Inta badan uma baahnid inaad haysato kaarkaaga isdiwaangalinta codbixiyaha si aad u codayso, laakiin, iyadoo hadba ku xiran gobolkaaga, waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad heysato nooc kale oo aqoonsi ah si aad u codayso. Wax badan ka baro isdiiwaangelinta codbixiyayaasha.

Ma horaad isu diiwaangelisay?