Qodobada Helitaanka Adeegyada

Shabakada internet ka codeynta ee Vote.gov, waxaa naga go'an in macluumaadkeenna dadka dhan wada gaaro. Waa nagu waajib ah inaan hubinno in qof walba, oo ay ka mid yihiin dadka naafada ah, ay si buuxda oo siman u helaan macluumaadka codbixinta. Shabakadda vote.gov waxay ku tiirsan tahay tignoolajiyada qaarkood si loo hubiyo inay si fiican ugu shaqeyso aaladaha caawiya dadka naafada ah inay helaan macluumaadka shabakadaha internet ka.Tignoolajiyadaan waxaa ka mid ah farsamada HTML, WAI-ARIA, CSS iyo JavaScript. Aaladahaan waxay fududeeyaan in lagu weyneeyo shaashada kombiyuutarka, si cod ahaan ah loogu aqriyo qoraalka, iyo tignoolajiyada loo isticmaalo siyaabo kala duwan ee dadka ka caawiyo inay macluumaad helaan.

Nuxurka Macluumaadka

Qodobada Helitaanka Adeegyada

Kooxda vote.gov waxaa ka go'an inay sameeyaan bog internet ka ah (website) ee macluumaad ay ka heli karaan dhammaan cod-bixiyayaashu, oo ay ku jiraan dadka ay ku adag tahay aragga, maqalka, ku shaqaynta qalabka kombiyuutarka, ama culeys ka heysto xagga garashada ama wax barashada.Waxaan sidoo kale rabnaa inaan gaarsiinno dadka aan adeegga oo dhameystiran helin, oo ay ku jiraan kuwa afkooda koowaad uusan ahayn Ingiriisi. Helitaanku waa dadaal socda, waxaana raadineynaa inaan horumarino boggeenan annagoo tababar joogto ah siinayna shaqaalaha qora macluumaadkeenna, abuura dokumeentiyada, dhisana boggeenna internet ka (website).

Sida aan uga shaqeyna una sii wadno helitaanka adeegyada

Waxaan u hubineynaa helitaanka adeegyada vote.gov sidan:

  • Tijaabo gacmeed lagu sameeyo macluumaadka iyadoo la isticmaalaayo kiiboorka iyo shaashadda qoraalka ku yaallo
  • Isticmaalka cinwaanna u qaabeysan sida ay iskugu xig-xigaan
  • U oggolaanshaha dadka inay isticmaalaan kiiboodhka si ay u galaan dhammaan macluumaadka ku jiro bogga internet ka
  • Oo ay ku jirto inuu isticmaalaha uu ku soo laabto bogga guud ee macluumaadka
  • Ku darista koodka xiriiriye-yaasha dibadda si loogu dhawaaqo "furitaanka daaqad cusub" shaashad akhriye-yaasha
  • Diyaarinta qoraalka alt oo faahfaahsan ee sawirrada, muujiye-yaal, iyo sumado 
  • Ku hawlgelinta dad si dhab ah u tarjuma nuxurka si loo gaarsiiyo istcmaalaha macluumaad macna hufan leh.
  • In loo oggolaado isticmaalaha inuu xajmiga qoraalaka ka dhigan karo sida uu rabo.

Habraaceenna helitaanka adeegyada

Waxaan u qaabeynaa boggaga internetkeena si ay u buuxiyaan ama uga gudbaan heerarka Qeybta 508, kuwaas oo ah shuruudaha farsamo ee lagu hubinaayo inaan u hoggaansameyno  Qeybta 508 ee sharciga federaalka. Waxaan sidoo kale xaqiijineynaa Tilmaamaha Helitaanka Macluumaadka Shabakadda W3C (WCAG) 2.1, kaas oo laga heli karo habraaca W3C. Waxaan soo buuxinnaa shuruudaha AA, taas oo macnaheedu yahay dadka intooda badan in ay heli karaan macluumaadka sida badan.

Talo bixin iyo tijaabeynta bogga

Waxaan leenahay la-taliye madax-banaan oo khabiir ah si uu u sameeyo hubin joogto ah iyadoo la maraayo tijaabo qalabeed iyo mid gacanta ahba si loo qiimeeyo loona hagaajiyo helitaanka macluumaadka.

Isticmaalidda

  • Vote.gov waxay laga daalacan karaa ama laga gali karaa ayadoo la isticmaalaya shabakadaha internetka ee waaweyn intooda badan oo ay ka mid yihiin Chrome, Firefox, Edge, iyo Safari.
  • Vote.gov macluumaadkeeda waxa laga eegi karaa taleefoonada casriga ah, tablet-ka, laptop-ka, ama kombuyuuterrada.

Caawinta gelidda, jawaab celinta, iyo cabashooyinka rasmiga ah

Noogu soo dir emailka Section508-vote@gsa.gov wixii su'aalo, faallooyin, ama cabashooyinka rasmiga ah ee ku saabsan gelitaanka vote.gov. Waxa kale oo aad dooran kartaa inaad buuxiso foomka hoose. Kooxdeennu waxay kaaga jawaabi karaan su'aalahaaga, faallooyinkaaga, ama walaac aad ka qabto Ingiriisi iyo Soomaali labadaba.

Touchpoints ID: votegov-accessibility-survey

Markaad nala soo xiriirto, fadlan ku dar:

  • Ciwaanka shabakada, sidoo kale loo yaqaan URL. URL caadiga ah wuxuu noqon karaa http://example.gov/index.html ama https://www.example.gov/example
  • Qalabka iyo browserka aad isticmaalayso si aad u gasho vote.gov
  • Tignoolajiyada caawinta ee aad isticmaalayso, haddii ay jirto
  • Faahfaahinta dhibaatada iyo macluumaad kasta oo aan la heli karin

Fiiro gaar ah: Waxaan la soconaa Section508-vote@gsa.gov inta lagu jiro saacadaha shaqada ee caadiga ah Isniinta ilaa Jimcaha Waqtiga Bariga Ameerika, marka laga reebo fasaxyada dowladda federaalka ama ama marka la xiro.

Si aad ugu hesho gelidda caawimo dheeraad ah, soo buuxi foomka kore Ingiriisi ama Soomaali midkood.

Su'aalo, wax-ka-dhihid, ama cabashooyinka rasmigaa ee ku saabsan gelitaanka waxyaabaha uu ka kooban yahay vote.gov, kusoo dir iimaylka Section508-vote@gsa.gov.

Boggaan waxaa dib loo eegay lana cusboonaysiiyay Luulyo 2023.