Diiwaangelinta codbixintaada waxay ku xirantahay halka aad ku nooshahay. Arday ahaan, guud ahaan waxaad iska diiwaan gelin kartaa inaad ka codeyso magaaladaada hooyo ama halka aad kuleejka ka dhigato, iyadoo ku xiran shuruudaha deganaanshaha ee gobolkaaga. Xusuusnow: waxaad ku noolaan kartaa meelo kala duwan, laakiin waxaa kaliya laguu ogolyahay inaad hal meel ka codeyso.
Kala dooro magaala-deegaanka ama magaalada kuleejka
Haddii aad kuleejka ka dhigato magaalo ka duwan magaala-deegaanka, waa kan waxa laga yaabo inaad tixgeliso marka aad go'aan ka gaarayso halka aad ka codeyso:
- Waa kee meesha kugu habboon?
- Yaa musharax ku jira cod bixinta meel kasta?
- Ma jiraan siyaasado maxalli ah ama arrimo gaar ah oo muhiim kuu ah meel kasta?
Diiwaangelintaada codbixinta ma saamayn doonto kaalmadaada dhaqaale ee federaalka, oo ay ku jirto Foomka Bilaashka ee Codsiga Kaalmada Ardayda ee Federaalka (FAFSA), deeqaha Pell, ama deynaha Perkins ama Stafford. Waxay saameyn kartaa in laguu tixgeliyo lacagta waxbarashada ee gobolka gudihiisa.
Codeynta magaala-deegaanka
Xitaa haddii aad waxbarashada ku maqnaato inta badan sannadka, waxaa laga yaabaa inaad haysto ikhtiyaarka inaad magaaladaada hooyo ka codeyso. Waa kuwan waxa maskaxda lagu hayo:
- Iska diiwaangeli inaad ka codeyso cinwaankaaga joogtada ah ee magaaladaada hooyo. Adeegso cinwaanka kuleejkaaga sida cinwaanka boostada ee diiwaangelintaada.
- Gobollo badan ayaa kuu oggolaanaya inaad codsato warqadda codbixinta boostada haddii aadan awoodin inaad qof ahaan ka codeyso. Gobollada qaarkood waxay si otomaatig ah ugu diraan codbixiyayaasha oo dhan warqad codbixin. Gobol kasta waxa uu leeyahay tilmaamo u gaar ah, sidaas darteed hubi inaad aragto waxa sharciga ka jira gobolkaaga ama deegaankaaga (Oo Af-Ingiriisi). Waxaad u diri kartaa warqadda codbixinta boostada cinwaanka kuleejkaaga.
Haddii aad joogto magaala-deegaanka inta lagu jiro doorashada, waxaad sidoo kale dooran kartaa inaad qof ahaan ka codeyso. Adeegso goobaha laga codeeyo (Oo Af-Ingiriisi) si aad u ogaato halka lagaa rabo inaad ka codeyso maalinta doorashada ama ka hor.
Codeynta magaalo kale oo ku taal gobolkaaga
Haddii aad dhigato kuleej ku yaal gobolkaaga ama deegaankaaga, laakiin magaalo kale, waxaa laga yaabaa inaad haysato ikhtiyaarka inaad halkaas ka codeyso. Waa kuwan waxa maskaxda lagu hayo:
- Haddii ay tahay markii ugu horreysay ee aad isdiiwaangeliso si aad u codeyso, hubi shuruudaha deganaanshaha ee codbixinta ee gobolkaaga. Waxaa laga yaabaa inaad deganaato magaalada kuleejkaaga muddo maalmo ah ka hor inta aadan iska diiwaan gelin halkaas.
- Ka dib markaad xaqiijiso u-qalmitaankaaga, waxaad isdiiwaan gelin kartaa adigoo isticmaalaya cinwaanka waddada ee dhismaha aad ku nooshahay, gudaha ama bannaanka xerada. Ha isticmaalin sanduuqa boostada ee xerada si aad isu diiwaangeliso, laakiin waxaad u isticmaali kartaa sanduuqa boostada xerada sida cinwaanka boostadaada. Haddii aadan hubin cinwaanka aad isticmaali karto, la xiriir xafiiska ku lugta leh arrimaha bulshada ee dugsigaaga ama xafiiska doorashada maxalliga ah.
- Haddii aad horey uga diiwaan gashan tahay magaaladaada hooyo, cusboonaysii diiwaangelinta codbixintaada adigoo isticmaalaya cinwaanka kuleejkaaga. Wixii talo dheeraad ah oo ku saabsan cinwaanka aad isticmaali karto, la xiriir xafiiska doorashada maxalliga ah (Oo Af-Ingiriisi).
- Haddii aad awood u leedahay inaad u safarto magaaladaada hooyo intii lagu jiray codbixinta horudhaca ama maalinta doorashada, isticmaal goobaha laga codeeyo (Oo Af-Ingiriisi) si aad u ogaato halka lagaa rabo inaad ka codeyso.
- Gobollada qaarkood waxay kuu oggolaanayaan inaad codsato cod-bixin maqan ama cod-bixin boosto haddii aadan awoodin inaad qof ahaan ka codeyso ama aad doorbideyso inaad codkaaga boostada ku dhiibto. Gobollo qaarkood doorashooyinka waxay ku qabtaan si buuxda boosto. Gobol kastaa waxa uu leeyahay tilmaamo u gaar ah, sidaas darteed hubi inaad aragto sharciga ka jira gobolkaaga ama deegaankaaga.
Codeynta magaalada kuleejka ee gobolka ka baxsan
Haddii aad dhigato kuleej ku yaal gobol ka duwan gobolkaaga hooyo, waxaad haysataa doorashooyin inaad halkaas ka codeyso. Waa kuwan waxa maskaxda lagu hayo:
- Gobollada qaarkood, waa inaad deganaataa gobolka muddo maalmo ah ka hor intaadan isdiiwaan gelin si aad halkaas uga codeyso. Hubi shuruudaha deganaanshaha ee codbixinta bogga xafiiska doorashada (Oo Af-Ingiriisi) ee gobolka kuleejkaaga.
- Ka dib markaad xaqiijiso u-qalmitaankaaga, isdiiwaangeli si aad uga codeyso gobolka kuleejkaaga. Waxaad isdiiwaan gelin kartaa adigoo isticmaalaya cinwaanka waddada ee dhismaha aad ku nooshahay, gudaha ama bannaanka xerada. Ha isticmaalin sanduuqa boostada ee xerada si aad isu diiwaangeliso, laakiin waxaad u isticmaali kartaa sanduuqa boostada xerada sida cinwaanka boostadaada. Haddii aadan hubin cinwaanka aad isticmaali karto, la xiriir xafiiska ku lugta leh arrimaha bulshada ee dugsigaaga ama xafiiska doorashada maxalliga ah.
- Ma isdiiwaan gelisay si aad uga codeyso gobolkaaga hooyo, laakiin waxaad rabtaa inaad beddesho diiwaangelintaada si aad uga codeyso gobolka kuleejkaaga? Gobollo iyo degmooyin badan uma baahna inaad joojiso diiwaangelinta codbixintaada ka dib markaad guurto. Laakiin gobollo badan iyo xafiisyada doorashada ee maxalliga ahi waxay haystaan fowrmooyin aad gudbin karto si aad u joojiso diiwaangelintaada. Ka hel xafiiska doorashada gobolkaaga ama deegaankaaga (Oo Af-Ingiriisi) si aad u hesho foomamka joojinta codbixinta.
Codeynta inta aad dibadda wax ku baranayso
Waxaad ka codeyn kartaa meel kasta oo adduunka ah haddii aad tahay muwaadin Mareykan ah. Wax badan ka baro codeynta inta aad dibadda joogto (Oo Af-Ingiriisi).
Isdiiwaangelinta codbixinta
Marka aad isdiiwaangeliso, waxaad ka qeyb qaadan kartaa doorashooyinka maxalliga ah, kuwa gobol iyo federaalka intii lagu jiro sanadka oo dhan.
Waxaad haysataa ikhtiyaarro diiwaangelin
Gobol kasta iyo degaan kastaa wuxuu dejistaa xeerarkiisa diiwaangelinta codbixiyaha. Waxaa laga yaabaa inaad awood u yeelatid inaad:
- Iska diiwaangeliso internetka: Gobollo badan waxay bixiyaan diiwaangelinta internetka. Dooro gobolkaaga ama degaankaaga si aad u ogaato haddii aad is diiwaangelin karto internetka.
- Iska diiwaangeliso boostada: Waxaad soo dejisan kartaa oo daabacan kartaa Foomka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha ee Qaranka (Oo Af-Ingiriisi) oo loo isticmaali karo gobol kasta marka laga reebo New Hampshire, North Dakota, Wisconsin, iyo Wyoming. Foomku waxaa lagu heli karaa luqado badan.
- Iska diiwaangeliso shaqsi ahaan: Waxaad is diiwaangelin kartaa shaqsi ahaan xafiiska doorashada ee gobolkaaga ama deegaankaaga (Oo Af-Ingiriisi) ama xafiiska gaadiidka ee gobolkaaga.
Hel taariikhaha kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha
Ma jiro waqtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha qaran. Gobollo qaar, maalinta ugu dambaysa ee isdiiwaangelinta waa 30 maalmood ka hor Maalinta Doorashada. Gobollo kale, waxaad is diiwaan gelin kartaa Maalinta Doorashada. Maalinta Doorashadu waxay tixraacdaa doorasho kasta (degaan, gobol, ama doorasho qaran). Hel taariikhaha kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha ee gobolkaaga (Oo Af-Ingiriisi).
Diyaar ma u tahay inaad codeyso?
Waxaa jira doorashooyin dabacsan oo kuu oggolaanaya inaad u shaqeyso jadwalkaaga iyo baahiyahaaga gaarka ah.
Shuruudaha aqoonsiga codbixiyaha
Gobol kasta iyo degaan kastaa wuxuu dejistaa xeerarka aqoonsiga codbixiyaha. Gobollo badan, waa inaad soo qaadataa aqoonsigaaga si aad ugu codaysato shaqsi ahaan ama aad bixiso macluumaadka aqoonsiga markaad codkaaga boostada ku dirayso. Hubi shuruudaha aqoonsiga codbixiyaha ee gobolkaaga (Oo Af-Ingiriisi).
Waxaad ka heli kartaa kaarka aqoonsiga xafiiska gaadiidka ee gobolkaaga, xitaa haddii aadan wadin. Waxaad u baahan doontaa inaad bixiso lacag si aad u hesho kaarka aqoonsiga, laakiin waxaa jira ururo laga yaabo inay kaa caawiyaan kharashaadka la xidhiidha kaarka aqoonsiga.
Uma baahnid kaarka diiwaangelinta codbixiyaha si aad u codayso.
Baro waxa ku saabsan waraaqdaada codbixinta
Baro sida codkaagu u saameeyo bulshaddaada si aad go’aan xog-ogaal ah u gaarto.
Xafiisyada doorashada qaarkood waxay internetka soo dhigaan tusaalooyinka waraaqaha codbixinta. Qaarkood sidoo kale waxay bixiyaan macluumaad ku saabsan musharixiinta iyo cabbirada waraaqaha codbixinta internetka ama boostada. Hubi bogga doorashada ee gobolkaaga ama deegaankaaga si aad u hesho macluumaad dheeri ah.
Iska diiwaan geli si aad u noqoto shaqaale codbixineed
Ka caawi bulshaddaada adoo noqda shaqaale codbixineed oo lacag lagu siinayo. Shaqooyinka shaqaalaha codbixinta way kala duwan yihiin iyadoo ku xidhan meesha aad ku nooshahay. Xafiisyada doorashada ee deegaanka qaarkood waxay shaqaalaha codbixinta u xilsaaraan hawlo sida:
Dejinta goob codbixineed
Soo dhaweynta codbixiyayaasha
Xaqiijinta diiwaangelinta codbixiyaha
Qaybinta waraaqaha codbixinta
Ka caawinta codbixiyayaasha inay isticmaalaan qalabka codbixinta
Sharaxaadda habraacyada codbixinta
Shaqaale codbixineed ahaan, waxaa lagu siin doonaa lacag wakhtigaaga. Lacagta la bixiyo way kala duwan tahay iyadoo ku xidhan meesha aad ku nooshahay. Wax badan ka baro sida loo noqdo shaqaale codbixineed(Oo Af-Ingiriisi).