Sida muwaadin cusub oo Mareykan ah, waxaad fursad u leedahay inaad ka qayb qaadato doorashooyinka Mareykanka. Cod bixinta waa xaqaaga — waana hab weyn oo aad ku sameyn karto farqi bulshadaa dhexdeeda.
Isdiiwaangelinta codbixinta waa tallaabada ugu horreysa
Ka hor intaadan cod bixin, waa inaad isdiiwaangelisaa. Marka aad isdiiwaangeliso, waxaad cod ku dhiiban kartaa doorashooyinka heer gobol, heer deegaan, iyo heer federaal.
Waxaa laga yaabaa inaad horeyba isku diiwaangelisay inaad cod bixiso xafladdii dhalashada. Haddii aadan hubin, waxaad hubin kartaa heerka diiwaangelintaada online (Oo Af-Ingiriisi) ama waxaad booqan kartaa xafiiska doorashooyinka ee deegaankaaga (Oo Af-Ingiriisi). Waxaa kaloo laga yaabaa inaad boostada ku heshay kaarka diiwaangelinta codbixinta. Haddii magacaaga ama cinwaankaagu isbeddelaywaxaad u baahan doontaa inaad cusboonaysiiso diiwaangelinta codbixintaada.
Haddii aadan isdiiwaangelin, ha sugin! Waxaad isdiiwaangelin kartaa wakhti kasta ka dib xafladda dhalashada aad ku qaadatay.
Hubi inaad si rasmi ah u tahay muwaadin ka hor intaadan isdiiwaangelin.
Haddii aadan weli ahayn muwaadin Mareykan ah, waa inaadan isdiiwaangelin inaad cod bixiso. Dadka aan muwaadiniinta ahayn, oo ay ku jiraan deganayaasha sharci ee joogtada ah, ma cod bixin karaan doorashooyinka federaalka, gobolka, iyo inta badan doorashooyinka maxalliga ah. Isdiiwaangelinta codbixinta ka hor intaadan muwaadin noqon waxay saameyn ku yeelan kartaa muwaadinimadaada.
Sida loo isdiiwaangeliyo inaad cod bixiso
Waxaad haysataa ikhtiyaarro diiwaangelin
Gobol kasta iyo degaan kastaa wuxuu dejistaa xeerarkiisa diiwaangelinta codbixiyaha. Waxaa laga yaabaa inaad awood u yeelatid inaad:
- Iska diiwaangeliso internetka: Gobollo badan waxay bixiyaan diiwaangelinta internetka. Dooro gobolkaaga ama degaankaaga si aad u ogaato haddii aad is diiwaangelin karto internetka.
- Iska diiwaangeliso boostada: Waxaad soo dejisan kartaa oo daabacan kartaa Foomka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha ee Qaranka (Oo Af-Ingiriisi) oo loo isticmaali karo gobol kasta marka laga reebo New Hampshire, North Dakota, Wisconsin, iyo Wyoming. Foomku waxaa lagu heli karaa luqado badan.
- Iska diiwaangeliso shaqsi ahaan: Waxaad is diiwaangelin kartaa shaqsi ahaan xafiiska doorashada ee gobolkaaga ama deegaankaaga (Oo Af-Ingiriisi) ama xafiiska gaadiidka ee gobolkaaga.
Hel taariikhaha kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha
Ma jiro waqtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha qaran. Gobollo qaar, maalinta ugu dambaysa ee isdiiwaangelinta waa 30 maalmood ka hor Maalinta Doorashada. Gobollo kale, waxaad is diiwaan gelin kartaa Maalinta Doorashada. Maalinta Doorashadu waxay tixraacdaa doorasho kasta (degaan, gobol, ama doorasho qaran). Hel taariikhaha kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha ee gobolkaaga (Oo Af-Ingiriisi).
Hel macluumaad ku saabsan doorashooyinka Mareykanka
Faham codkaaga heerka maxalliga ah iyo kan qaran
Doorashooyinka gobolka iyo kuwa deegaanka waxay dhacaan sanadka oo dhan. Heerka gobolka, waxaad u codayn kartaa guddoomiyeyaasha, garsoorayaasha, ama xubnaha golaha sharci dejinta ee gobolka. Heerka maxalliga ah, waxaad u codayn kartaa duqa magaalada ama saraakiil kale oo maxalli ah. Musharixiinta guulaysta waxay go'aanno ka gaaraan mowduucyo sida miisaaniyadda gaadiidka dadweynaha iyo dugsiyada bulshaddaada. Go'aamadan waxay saameeyaan noloshaada maalinlaha ah.
Afar sano kasta, doorashada madaxtinimada waxay go'aamisaa cidda noqon doonta hoggaamiyaha Mareykanka. Waxaa jira doorashooyinka hordhaca ah iyo kulamada gobolka iyo deegaanka (Oo Af-Ingiriisi) oo ka dhaca ka hor doorashada guud si loo doorto musharrixiinta madaxweynaha. Doorashada guud (Oo Af-Ingiriisi) ayaa go'aamisa musharaxa. Gobol kasta wuxuu leeyahay hab iyo xeerar u gaar ah oo lagu codaynayo.
Doorashooyinka Golaha Wakiiladu waxay go'aamiyaan cidda ku mataleysa Congress-ka. Congress-ka wuxuu leeyahay laba qaybood: Golaha Wakiilada Mareykanka iyo Senedka Mareykanka. Xubnaha Golaha Wakiilada Mareykanka waxay metelaan degmooyinka gudahooda gobolka. Labo sanaba mar ayaa la doortaa. Xubnaha Senedka Mareykanka waxay metelaan gobollada oo dhan. Waxay u adeegaan lix sano, laakiin dhamaantood isku mar lama doorto. Senetarrada qaar iyo dhammaan xubnaha Golaha Wakiilada Mareykanka waxay u tartamaan doorasho (ama doorasho dib loogu doorto) inta lagu jiro doorashooyinka dhexe. Doorashooyinka dhexe waxay dhacaan bartamaha muddada afarta sano ee madaxweynaha kasta.
Baro waxa ku saabsan waraaqdaada codbixinta
Baro sida codkaagu u saameeyo bulshaddaada si aad go’aan xog-ogaal ah u gaarto.
Xafiisyada doorashada qaarkood waxay internetka soo dhigaan tusaalooyinka waraaqaha codbixinta. Qaarkood sidoo kale waxay bixiyaan macluumaad ku saabsan musharixiinta iyo cabbirada waraaqaha codbixinta internetka ama boostada. Hubi bogga doorashada ee gobolkaaga ama deegaankaaga si aad u hesho macluumaad dheeri ah.
Iska diiwaan geli si aad u noqoto shaqaale codbixineed
Ka caawi bulshaddaada adoo noqda shaqaale codbixineed oo lacag lagu siinayo. Shaqooyinka shaqaalaha codbixinta way kala duwan yihiin iyadoo ku xidhan meesha aad ku nooshahay. Xafiisyada doorashada ee deegaanka qaarkood waxay shaqaalaha codbixinta u xilsaaraan hawlo sida:
Dejinta goob codbixineed
Soo dhaweynta codbixiyayaasha
Xaqiijinta diiwaangelinta codbixiyaha
Qaybinta waraaqaha codbixinta
Ka caawinta codbixiyayaasha inay isticmaalaan qalabka codbixinta
Sharaxaadda habraacyada codbixinta
Shaqaale codbixineed ahaan, waxaa lagu siin doonaa lacag wakhtigaaga. Lacagta la bixiyo way kala duwan tahay iyadoo ku xidhan meesha aad ku nooshahay. Wax badan ka baro sida loo noqdo shaqaale codbixineed(Oo Af-Ingiriisi).
Taageerada muwaadiniinta cusub
Waxaa jira kooxo ka caawiya muwaadiniinta cusub dhinacyo kala duwan oo nolosha Mareykanka ah, oo ay ku jirto cod bixinta. Waxaad sameyn kartaa:
- La xiriir Xafiiska Muwaadiniinta Cusub ee gobolkaaga ama deegaankaaga.
- Hel xarun waxbarasho oo maxalli ah.
- Raadi kooxo kale oo muwaadiniin cusub ah oo waayo-aragnimo u leh doorashooyinka Mareykanka.
Taageerada luqadda
Haddii Ingiriisigu aanu ahayn luqaddaada koowaad oo aad rabto inaad luqad kale ku codaysato, waxaad weydiisan kartaa caawimaad. La xiriir xafiiska doorashada ee deegaankaaga si aad u ogaato nooca taageerada luqadda ee la heli karo sida:
- Macluumaadka iyo agabka codbixinta (sida waraaqaha codbixinta) oo ku qoran luqaddaada
- Shaqaale goobta codbixinta oo kula xiriiri kara luqaddaada (oo ay ku jirto Luuqadda Calaamadaha Mareykanka)
- Qof qoyskaaga ama saaxiib ah oo kaa caawin kara inuu kuu turjumo goobta codbixinta
Sharciyada federaalka waxay ilaalinayaan xuquuqdaada inaad codaysato
Wax ka baro sharciyada federaalka ee ilaalinaya awooddaada inaad codaysato ee hagaha Ogow Xuquuqdaada Codaynta ee Waaxda Caddaaladda. Hagaha sidoo kale waxaa lagu heli karaa Isbaanish.
Waxaad soo gudbin kartaa cabasho Waaxda Caddaaladda (Oo Af-Ingiriisi) haddii aad la kulanto waxyaabaha soo socda marka aad ku guda jirto xaqaaga codbixinta:
Qof ayaa su’aal ka keenay xaqaaga inaad codaysato
Waxaad ku nooshahay aag looga baahan yahay in la siiyo agabka codbixinta luqado gaar ah, laakiin ma helin agabkaas
Ma helin fududeymo awood-gal oo macquul ah
Wax badan ka baro sida dowladdu u hubiso in codkaaga si sax ah loo tiriyo.